500 oo milyan oo loo qoondeynaya ka ganacsiga qaadka

0
237

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in 500 oo milyan oo shilin loo qoondeeyo wax soo saarka dhanka qaadka miirooga iyo mogokaa.
Lacagtan ayaa qayb ka noqon doonto miisaaniyad sanadeedka 2024/2025-ka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha kulan la qaatay hoggaamiyaasha ismaamulka Embu iyo saamileyda qaadka soo saara ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu u xaqiijiyay in dowladdu ay taageeri doonto ganacsigooda.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii dhawaan ismaamullada Mombasa iyo Kilifi ee gobolka Xeebta laga mamnuucay in la geliyo, lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo qaadka mogokaa iyadoo taasi loo aaneynaya saameynta caafimaad ee uu leeyahay.