Waxaa la xaqiijiyey in 12 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Khan Younis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 9 ka mid ah dadkan ay hal qoys ka wada tirsan yihiin.
Aagga la wareeray ayaa loo yaqaanay mid nabdoon waxayna tani timid ka dib markii ay Israa’iil bixisay amar ah in dadka laga daadgureeyo Bariga Khan Younis.
Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegaysa in amarka daadgureynta ee Israa’iil uu saameeyay ugu yaraan 250,000 qof.