Israa’iil iyo Xamaas oo gaaray heshiis xabbad joojin ah

0
700

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyey in Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin ay wada gaareen heshiiska wajiga koowaad ee xabbad joojinta ka dhaqan galaysa Qaza.
Waxaa uu sidatan ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Sidoo kale , waxaa arrintan xaqiijisay dowladda dalka Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha labada dhinac.
Qatar ayaa xustay in la isku afgartay dhammaan siyaabaha dhaqangelinta heshiiska.
Ururka Xamaas ayaa dhankiisa bayaan ku sheegay inuu soo gabagabeeyay dejinta is-afgarad lagu dhameynaya dagaalka Qaza, maxaabiista la isdhaafsanaya iyo in gargaar la geeyo Qaza.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa laga soo xigtay in ay maanta ansixin doonaan heshiiska xabbad joojinta ee Qaza .
Waxaa uu intaasi ku daray in ay maalin wayn u tahay Israa’iil.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa duullaanka militari ee Qaza lagu dilay in ka badan 67,183 ruux halka la dhaawacay 169,841 kale.