Ismaamulka Kilifi oo aan mushaar siin doonin dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro

0
179

Barasaabka ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta Gideon Mung’aro ayaa shaaciyay in dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro aan bishan mushaar la siin doonin.
Waxaa uu sheegay in ay shaqeynayaan boqolkiiba 95 ee dhakhaatiirta balse inta isbitaallada ka maqan la siiyay warqado xaqiijinaya in aynan mushaar heli doonin.
Guddoomiyaha Kilifi ayaa intaasi ku daray in saraakiisha caafimaadka ee ka sii maqnaada isbitaallada ay halis ugu jiraan in ay shaqooyinkooda lumiyaan.
Waxaa uu tilmaamay in haddii howlwadeennada ay ku andacoonayaan in ay garab istaag u muujinayaan saaxiibbadooda shaqo joojinta ku howlan , in isagana uu garab taagan yahay barasaabyada ismaamullada Kisumu, Kakamega,Nyeri,Kiambu iyo Tharaka Nithi ee qaatay go’aan kiisa la mid ah.
Mung’aro ayaa xusay in maamulkiisa iyo dhakhaatiirta Kilifi ay mar kasta yeelanayeen wada xaajoodyo wax ku ool ah oo ay ku heshiiyeen faa’iidooyinka ay helayan saraakiisha caafimaadka , dallacsiinta iyo tababarrada shaqo.
Barasaabka Kilifi ayaa xusay in sidaasi awgeed aynan cadaalad ahayn in dhakhaatiirta ismaamulkaasi ay ku biiraan shaqo joojinta qaran ee ay wadaan xubnaha ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) iyo dalladaha kale.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay in arrimaha la isku hayo ay xalliyeen bishii 12-aad ee sanadkii hore iyagoo mas’uuliyiinta ururka KMPDU ee gobolka Xeebta la saxiixday.
Waxyaabihii xilligaasi la isku afgartay waxaa ka mid ahaa dallacsiinta 101 dhakhaatiir ah oo leh takhasusyo kala duwan.
Dhanka kale Xoghayaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa gobolka Xeebta Ghalib Salim ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaareen dowladda hoose ee Kilifi iyo saraakiisha caafimaadka isagoo shaaciyay in halkaasi laga soo afjaray shaqo joojintii jirtay.