Islamic Relief oo sheegtay in bishan Qaza lagu dilay tiradii ugu badnayd

0
266

Hay’adda Samafalka ee Islamic Relief ayaa warbixin ku sheegtay in bishan Toddobaad la diiwaangeliyay dilalkii ugu badnaa ee ay Israa’iil ka gaysatay gudaha Qaza ee dalka Falastiin.
Waxay xustay in laga soo billaabo 1-dii bishan Luulyo, 12-kii daqiiqaba la dilayay hal qof.
Waxaa warbixinta ku cad in isku celcelis ahaan maalin kasta la dilo 119 Falastiiniyiin ah halka la dhaawaco in ka badan 401 kale.
Tiradan ayaa ah midii ugu sarreysay ee la diiwaangeliyo laga soo billaabo bishii 12-aad ee sanadkii 2023.
Madaxa Fulinta ee hay’adda Islamic Relief Waseem Ahmad,ayaa sheegay in madaxda dunida laga doonaya in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinaya xasuuqa Falastiiniyiinta.
Dhanka kale , hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in maalin kasta la dilo 28 carruur ah.