Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu hawada ku qabtay gantaallo nooca ballistic-ga ah oo ay Iiraan ku ridday meelo kala duwan oo ka tirsan Bariga Dhexe.
Qoraal lagu daabacay barta X maanta, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka CENTCOM ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan IRGC ay rideen gantaallo ballistic ah oo dhowr ah, kuwaas oo lagu tilmaamay “isku day weerar lama filaan ah” oo lagu beegsanayay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe.
CENTCOM waxay sheegtay in dhammaan gantaallada la qabtay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedyadooda, isla markaana ciidamada Maraykanku ay weli ku jiraan heegan sare.
Wakaaladda Wararka Jordan ayaa sheegtay in shan gantaal lagu qabtay hawada sare ee dalka Jordan.
Dhanka kale, IRGC ayaa bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB ku sheegtay in ciidamadeeda cirka ay beegsadeen saldhig ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Jordan iyo xarun uu leeyahay Taliska Dhexe ee Maraykanka CENTCOM, iyagoo adeegsanaya dhowr gantaal oo ballistic ah.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa 24-kii Luulyo hakiyay olole duqeymo oo laba toddobaad socday oo lagu qaaday Iiraan, isagoo markaas sheegay in “wada-hadallo wanaagsan” ay u socdaan labada dhinac.
Trump ayaa hore u hanjabay inuu dib u bilaabi doono duqeymaha haddii wada-hadalladu hakad galaan, halka Iiraan ay beenisay inay dooneyso inay dib u bilowdo wadahadallada ay la leedahay Washington.




