Duqeymaha Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa dilay ugu yaraan 20 dagaalyahan oo Ciraaqi ah

0
179

Ciidamada Abaabulka Dadweynaha ee Ciraaq PMF ayaa sheegay in weerarro ay fuliyeen Maraykanka iyo Sacuudiga ay ku dhinteen ugu yaraan 20 ka tirsan dagaalyahannadooda, halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ka dhacay toddobo gobol.
PMF ayaa sheegtay in tirada khasaaraha ay tahay mid hordhac ah, isla markaana ay kordhi karto maadaama qiimeynno laga wado goobaha la weeraray.
Weerarradu waxay beegsadeen fariisimo ay PMF ku lahayd gobollada Baqdaad, Wasit, Nineveh, Basra, Kirkuk, Karbala iyo Diyala, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ururka ay dowladdu aqoonsan tahay oo ay ku mideysan yihiin maleeshiyaad u badan Shiico.
Duqeymuhu sidoo kale waxay geysteen burbur heerar kala duwan leh oo soo gaaray dhismayaal, gaadiid iyo qalab ciidan.