Iiraan oo sheegatay inay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadday Baxrayn, Kuweyt iyo Qatar

0
112

Milatariga Iiraan ayaa sheegay inay qiyaastii saacad kahor fuliyeen weeraro dhanka cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo la beegsaday “saldhigyo iyo xarumo istiraatiiji ah oo ay leeyihiin Mareykanka.
Weeraradan ayaa bartilmaamedsaday nidaamka gantaalaha difaaca ee Patriot ee ku yaal Kuwayt, goob ay ku taal anteenada satalaytka ee digniinta hordhaca ah oo ku taal Qatar, iyo haamo shidaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo ku yaal Baxreyn.
Milatariga Iiraan ayaa sheegay inay weeraradan u adeegsadeen “tiro badan oo ka mid ah noocyada kala duwan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”.
Waxay intaas ku dareen in ciidamada qalabka sida ee Iiraan “aysan marnaba oggolaan doonin in la rumeeyo yoolalka iyo hammiga Madaxweynaha doqonka ah ee Mareykanka, ayna difaaci doonaan mabaadi’da sare ee Kacaanka Islaamiga ah ilaa laga gaarayo guusha ugu dambaysa.”