Iiraan oo ka digtay weerarro lagu qaado xaruumaha tamarta iyo biyaha ee gobolka haddii korontadeeda la beegsado

0
103

Ciidamada Iiraan ayaa ku hanjabay in ay weerari doonaan dhammaan xaruumaha tamarta ee la xiriira Maraykanka iyo Israa’iil ee Bariga Dhexe, haddii la beegsado xaruumaheeda korontada.
Afhayeen u hadlay taliska dhexe ee ciidanka Iiraan ayaa sheegay in weerarrada ay sidoo kale gaari doonaan xaruumaha biyaha macaan laga sameeyo iyo kaabeyaasha tiknoolajiyadda ee la xiriira labadaas Xukuumadood.
Digniintan ayaa timid ka dib markii hoggaanka Maraykanka uu ku hanjabay in la beegsan doono xaruumaha korontada ee Iiraan haddii aysan furin marin biyoodka Hormuz muddo kooban gudaheed.
Warar kale ayaa sheegaya in mas’uul sare oo hore uga tirsanaa amniga Iiraan uu hore u sheegay in haddii korontada dalka la beegsado, ay suuragal tahay in guud ahaan gobolka uu mugdi galo muddo yar gudaheed.