Dowladda Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug lahayd weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday ciidamada Maraykanka
Wakiilka Iiraan ee Qaramada Midoobay, Saeed Iravani ayaa sheegay in in dowladdiisa ay duqeyntaasi wax xiriir ah la lahayn.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari ay leeyihiin ciidamaha Maraykanka oo ku yaalla xadka waddamada Jordan iyo Syria
Saddex askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay weerarkii shalay lagu qaaday dhismaha daarta 22-aad ee ciidamada Maraykanka, kaasoo ay sheegatay kooxda Daacish ee Ciraaq.




