Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Kenya, Douglas Kanja, ayaa sheegay in boolisku aysan nasan doonin ilaa laga soo qabto dadka ka dambeeyay dilalkii ka dhacay xadka u dhexeeya ismaamullada Isiolo iyo Garissa.
Kanja ayaa ballanqaaday in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan baadi-goobka dadka falalkaas geystay, si sharciga loo horgeeyo, loona xaqiijiyo amniga dadka deegaanka.




