300 qof ayaa ka barakacay guryahoodii kadib markii amni-darro ka dhacday Burat, ismaamulka Isiolo

0
92

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka cararaan guryahoodii ku yaallay deegaanka Burat ee ismaamulka Isiolo, kadib markii halkaas ay ka dhaceen falal amni-darro oo sababay in qoysas badan ay ka qaxaan saddex tuulo, kuna hoydaan xarun ay leedahay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya (KWS) oo loogu talagalay la-dagaallanka ugaarsiga sharci-darrada ah.
Dadka deggan tuulooyinka Naiyakore, Ntirim iyo Ngaika ayaa guryahooda ka cararay dhammaadkii toddobaadkii 22-ka Nofeembar 2026, iyaga oo ka cabsi qaba weerarro kale. Qoysaska qaarkood ayaa sheegay in guryahoodii dab la qabadsiiyay.
Qoysaska barakacay ayaa hadda ku sugan xarunta KWS ee la-dagaallanka ugaarsiga sharci-darrada ah, halkaas oo ay la tacaalayaan nolol adag oo ka duwan tii ay ku noolaayeen guryahooda. Waxay sidoo kale waayeen hantidoodii, alaabtii guryaha iyo xoolihii ay dhaqanayeen.
Qoysas badan ayaa sheegay in barakaca kediska ah uu ku khasbay in ay ka tagaan wax kasta oo ay urursanayeen muddo tobannaan sano ah.
Josphine Felister Lemaramba, oo ah haweeney da’deedu ku dhowdahay 75 sano, ayaa sheegtay in markii weerarradu dhaceen ay ka carartay gurigeeda iyada oo aan waxba wadan, marka laga reebo dharkii ay xirnayd.
Lemaramba ayaa muujisay sida ay uga naxday colaadda ka dhex qaraxday bulshooyin muddo dheer deris ahaa oo wada noolaa. Waxay sheegtay in qaar ka mid ah dadka weerarrada geystay ay yihiin dad ay deris yihiin, isla markaana ay jiraan qoysas ka kala tirsan bulshooyinkaas oo xitaa is guursaday.
Waxay intaas ku dartay in dadka deggan saddexda tuulo ay marar badan ku dhex dhacaan weerarro aargoosi ah marka ay isku dhacaan bulshooyinka deriska ah, iyadoo sheegtay in dadka tuulooyinkaas loo arko kuwo si fudud loo beegsan karo.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale ka sheekeeyay rabshado dhimasho sababay, kuwaas oo la sheegay in ay galaafteen nolosha laba qof oo isku qoys ah. Dadka dhintay ayaa lagu kala magacaabay Mzee Leterewa oo 85 jir ahaa iyo wiilkiisa.
Qoysaska barakacay ayaa hadda dowladda iyo hay’adaha samafalka ka codsanaya gargaar degdeg ah oo isugu jira cunto, hoy, dhar, daryeel caafimaad iyo in la xoojiyo ammaanka, si looga hortago weerarro kale.