Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay maareynta doorashada ku celiska ee la filaya in ay 16-ka bishan Toddobaad ka dhacdo deegaanka Ol Kalou ee ismaamulka Nyandarua.
Guddiga ayaa dhanka kale beeniyey war la faafiyey oo ah inuu ka qayb galka tartanka ka mamnuucay musharraxa xisbiga UDA, Muchina Samuel Nyagah isagoo taasi ku tilmaamay been abuur.




