IEBC oo soo jeedisay in 4.44 bilyan lagu koobo kharashka ololaha murashaxiinta madaxweynaha

0
141
Shirka guddiga Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha IEBC ayaa soo jeediyay in 4.44 bilyan laga dhigo xadka ugu sarreeya ee kharashka ololaha ay ku bixin karaan murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.
Guddigu wuxuu sidoo kale xaddiday kharashka ay xisbiyada siyaasaddu bixin karaan iyadoo laga dhigay 17.7 bilyan, taasoo qeyb ka ah isbeddello ballaaran oo loogu talagalay in lagu nidaamiyo maalgelinta ololaha ka hor Doorashada Guud ee 2027.
Xaddidaaddan la soo jeediyay, oo ku qoran nidaamka qabyada ah ee Xeerarka Maalgelinta Ololaha Doorashada, ayaa la horgayn doonaa ka-qaybgalka dadweynaha ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka si uu u ansixiyo.
Guddigu wuxuu sidoo kale Baarlamaanka ku boorrinayaa inay ansixiyaan isbeddelladan marka la gaaro dhammaadka bisha Agoosto, si loo siiyo guddiga doorashada waqti ku filan oo qiyaastii hal sano ah, si ay ugu diyaar-garoobaan Doorashada Guud ee Agoosto 2027.
Sida ay sheegtay IEBC, isbeddelladan la soo jeediyay waxaa loogu talagalay in lagu dhaqangaliyo Sharciga Maalgelinta Ololaha Doorashada, iyo in lagu abuuro jawi doorasho oo caddaalad ah iyadoo la nidaaminayo kharashka ololaha ee dhammaan jagooyinka loo tartamayo.
Sida ku cad qaab-dhismeedka la soo sheegay, wadarta guud ee xaddidaadda kharashka ee jagooyinka kale ee loo tartamayo waxaa ka mid ah 5.63 bilyan oo loogu talagalay doorashooyinka golaha deegaanka, 5.26 bilyan oo loogu talagalay doorashooyinka deegaan-doorashada iyo 2.39 bilyan oo loogu talagalay doorashooyinka heer ismaamul.
Guddigu wuxuu sheegay inay tirooyinkan soo saareen ka dib markii ay qiyaaseen celceliska kharashka ololaha ee heerarka ismaamul, deegaan-doorasho, iyo golaha deegaanka, iyadoo la tashiyo lala yeeshay daneeyayaasha, sidoo kalena dib loo eegay hannaanka maalgelinta ololaha ee deegaannada kale.
Si loo go’aamiyo xadka ugu sarreeya ee kharashka, IEBC waxay u qaybisay aagagga doorashada kuwa magaalooyinka ah, kuwa dadku ku yar yihiin, iyo qaybo kale.
Ka dib, waxay adeegsadeen qaacido siinaysa 60 boolkiiba miisaanka tirada dadka iyo 40 boolkiiba baaxadda dhulka, iyadoo la raacayo Qaybta 18(4) ee Sharciga Maalgelinta Ololaha Doorashada.
Soo-jeedintu waxay aqoonsan tahay kharashyada dhabta ah ee sarreeya ee la xiriira ololaha laga sameeyo ismaamullada dhulka weyn ee baaxadda leh.
Haddii la ansixiyo, murashaxiinta u tartamaya kuraasta gudoomiyaha , senatorka, iyo booska matalaadda haweenka ee ismaamullada fog-fog sida Turkana, waxaa loo oggolaan doonaa inay isticmaalaan kharashka ugu sarreeya, iyadoo xaddidaaduna tahay 123 milyan.
Murashaxiinta u tartamaya jagooyinka la midka ah ee Nairobi waxay yeelan doonaan xaddidaad kharash ah oo gaaraysa ilaa 117.3 milyan, halka kuwa ku sugan Marsabit iyo Wajir loo oggolaan doonaa inay adeegsadan ilaa 114 milyan iyo 113.8 milyan.