IEBC oo sahaminaya goobo cusub oo codbixinta qurba-joogta ah, si loo ballaariyo ka-qaybgalka doorashooyinka.

0
75

Guddiga Doorashooyinka ayaa xoojiyay dadaallada lagu ballaarinayo ka-qaybgalka codbixinta dadka dibadda ku nool, ka hor doorashooyinka guud ee sanadka soo socda.
Tallaabadii ugu dambeysay, wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC) ayaa ku sugan dalka Nigeria, halkaas oo ay ka wadaan qiimeyn lagu ogaanayo goobo cusub oo laga sameyn karo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo xarumaha codbixinta.
Hawshan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu kordhinayo tirada dalalka ay dadka Kenyaanka ah ee dibadda ku nool iska diiwaangelin karaan, kana codeyn karaan doorashooyinka. Tirada dalalkaas ayaa la doonayaa in laga kordhiyo 12 dal oo ay ahaayeen sanadkii 2022, lana gaarsiiyo 26 dal sanadka 2027.
Safaaradda Kenya ee Nigeria ayaa Isniintii shaacisay inay qaabishay wafdi ka socda IEBC, kuwaas oo dalkaas ka wada qiimeyn iyo sahamin lagu ogaanayo goobaha ku habboon codbixinta dadka dibadda ku nool.
Dadaallo la mid ah ayaa bishan laga sameeyay dalalka Turkiga, Netherlands iyo Botswana, taas oo muujinaysa in la dardargeliyay diyaar-garowga lagu ballaarinayo dalalka ay dadka Kenyaanka ah ee dibadda ku nool ka codeyn karaan.
Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, Safaaradda Kenya ayaa 3-dii Nofeembar martigelisay guddoomiye ku-xigeenka IEBC, Fahima Abdalla, iyo wafdigeeda, kuwaas oo bilaabay sahamin hordhac ah oo lagu ogaanayo tirada iyo goobaha ay ku nool yihiin codbixiyeyaasha Kenyaanka ah ee dalkaas.
Maalin ka dib, Safaaradda Kenya ee magaalada Hague ayaa kulan dhex-dhigtay saraakiisha IEBC iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Kenyaanka ah ee dibadda ku nool. Hoggaamiyeyaashaas ayaa kulanka ku soo bandhigay aragtida iyo baahiyaha bulshadooda ee ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo habka codbixinta ee Netherlands iyo dalalka deriska la ah.
Dalka Botswana, safiirka Kenya ee dalkaas, Sabdiyo Dido Bashuna, ayaa 6-dii Nofeembar kulan la yeelatay saraakiisha IEBC iyo wakiillo ka socday Ururka Jaaliyadda Kenya ee Botswana.
Kulanka ayaa looga hadlay suurtagalnimada in safaaradda Kenya ee Botswana loo aqoonsado xarun lagu diiwaangeliyo codbixiyeyaasha, isla markaana ay noqoto goob ay ka codeeyaan dadka Kenyaanka ah ee dalkaas ku nool.
Guddiga IEBC ayaa doorashooyinka 2027 u ansixiyay in sahmin lagu sameeyo 14 dal oo dheeraad ah, taas oo tirada guud ee dalalka la qorsheynayo in codbixintu ka dhacdo ka dhigaysa 26 dal.
Dadaalkan ayaa ah marxalad kale oo ka mid ah qorshaha ay Kenya si tartiib-tartiib ah ugu hirgelinayso codbixinta muwaadiniinteeda dibadda ku nool, taas oo ah waajib ku xusan dastuurka dalka.
Codbixinta dadka Kenyaanka ah ee dibadda ku nool waxaa saldhig u ah Dastuurka Kenya ee la ansixiyay sanadkii 2010, kaas oo aqoonsaday xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku nool meel ka baxsan xuduudaha dalka.