IEBC oo beenisay sheegashada ah in ajaanib loo diiwaangelinayo sida codbixiyeyaal Kenyaan ah

0
97

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha IEBC ayaa diiday sheegashada ah in ajaanib laga diiwaangelinayo codbixiyeyaal gudaha Kenya, waxaana uu qof kasta oo eeddaas soo jeedinaya ka dalbaday inuu keeno caddeymo.
Hay’adda doorashooyinka ayaa sheegtay in wararka ku saabsan khaladaad doorasho, codbixiyeyaal si sharci-darro ah loogu wareejinayo deegaano kale, iyo ajaanib laga diiwaangelinayo codbixiyeyaal gudaha Kenya iyo dibaddeedaba ay yihiin kuwo “aan wax caddeyn ah ku dhisnayn oo aan run ahayn”.
Jawaabta IEBC ayaa timid xilli Guddigu uu sii wado diyaar-garowga Doorashada Guud ee 2027, iyadoo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Joogtada ah CVR ay ka socoto dalka oo dhan.
IEBC ayaa sheegtay inaan la soo bandhigin wax caddeyn lagu kalsoonaan karo oo taageeraysa eedeymahaas.
Guddigu wuxuu sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay nidaamiyaan Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka kale ee doorashooyinka.
Waxa uu sharaxay in dadka reer Kenya ee doonaya inay is-diiwaangeliyaan ay tahay inay soo bandhigaan dukumentiyo aqoonsi oo sax ah, sida kaarka aqoonsiga qaranka ama baasaboorka Kenya.
IEBC waxay sidoo kale carrabka ku adkaysay in ay mas’uul ka tahay diiwaangelinta muwaadiniinta Kenya ee u qalma inay codeeyaan iyo ilaalinta diiwaanka codbixiyeyaasha, balse aysan bixin kaararka aqoonsiga qaranka ama baasaboorrada.
Hay’adda doorashooyinka ayaa sheegtay inay walaac ka qabto wararka ay ku tilmaantay kuwo marin-habaabin ah, aan la xaqiijin iyo kuwo arrimaha si xad-dhaaf ah loo buunbuuninayo ee ku saabsan hawsha hadda socota ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Sida ay sheegtay IEBC, wararka noocaas ah waxay wiiqi karaan kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada.
Guddigu wuxuu sheegay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Joogtada ah (CVR) ay bilaabatay 29-kii Sebtembar 2025, ayna ka socoto xarumaha diiwaangelinta ee loo asteeyey dhammaan 290-ka deegaan-doorasho ee dalka.
Waxa uu sheegay in eedeymaha ku saabsan diiwaangelin sharci-darro ah, wareejinta codbixiyeyaasha ama eexda lagu saleeyo ay tahay in lagu taageero caddeyn la xaqiijin karo.
IEBC waxay sheegtay inay sidoo kale la shaqaysay ururrada bulshada rayidka ah, kooxaha diinta, jaamacadaha, ururrada xirfadlayaasha iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si loo taageero diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Guddigu wuxuu sheegay in in ka badan 2.6 milyan oo codbixiyeyaal cusub ah la diiwaangeliyey tan iyo markii xubnaha hadda ee Guddigu ay xilka la wareegeen.
IEBC waxay sheegtay inay weli diyaar u tahay inay qaabbisho warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan khaladaad doorasho, iyadoo dalka loo diyaarinayo doorashada 2027.