DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha Kenya Kwanza oo ku eedeeyay Gachagua inuu kicinaayo qabyaaladda

0
379

Hoggaamiyeyaasha Kenya Kwanza ayaa kordhiyay dhaleeceynta madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, iyaga oo ku eedeeyay inuu kiciyay kala qaybsanaan iyo qabyaalad dalka ka dhex jirta.
Iyagoo oo uu hor kacaayay Farouk Kibet oo ah kaaliyaha madaxweyne William Ruto waxaa ay dhaleeceyeen hadaladiisa joogtada ah ee ku saabsan siyaasadaha dowladda iyo horumarka waqooyiga dalka, isla markaana ku eedeeyay inuu baahiyo qabyaalad.
Hoggaamiyeyaashan ayaa arrintan ka sheegay intii ay ka qaybgalayeen barnaamij kor loogu qaadayo awood siinta haweenka oo ka dhacay ismaamulka Marsabit.