Hal qof oo ku dhintay doon ku degtay harada Baringo

0
217

Waxaa la xaqiijiyay geerida hal qof ka dib markii ay doon ku degtay Harada Baringo.
Waxaa weli la la’yahay 6 ruux oo kale.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Baringo ,Julius Kiragu ayaa sheegay in doontaasi ay sidday tiro dad ah oo ka badan intii loogu talagalay markii uu shilkan dhacayay waxayna xilligaasi ku wajahnaayeen jasiiradda Kokwa .
Barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Baringo ,Felix Maiyo ayaa dhankiisa ku baaqay in taxaddar la muujiyo marka la adeegsanaya doomaha.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa laga soo xigtay in ay socdaan howlaha samatabixinta.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay inta u dhexeysa Salabani ilaa jasiiradda Kokwa .
Waxaa hadda goobta ku sugan kooxaha falcelinta oo ay ka mid yihiin Kenya Red Cross, xubnaha bulshada iyo saraakiisha ilaalada badaha .