Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee KNUT oo geeriyooday

0
278

Waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii labaad ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT, John Wesonga Lutta.
Waxaa geerida mas’uulkan xaqiijiyay Xoghayaha Guud ee KNUT, Collins Oyuu.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray inay warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin dheeraad ah oo ku aaddan geerida John Wesonga oo timid ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Wesonga iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee KNUT, Stanley Mutai ayaa la wada doortay bishii 6-aad ee sanadkii 2021 .