Nancy Macharia oo ka tacsiyadeysay geerida guddoomiyihii KEPSHA

0
498

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta dalka ee (TSC) Nancy Macharia ayaa ka tacsiyadeysay geeridii ku timid guddoomiyihii qaran ee ururka maamuleyaasha dugsiyada hoose dhexe ee (KEPSHA) Johnson Nzioka oo shil ku nafwaayay.
Waxay ku tilmaantay hoggaamiye geesi ahaa geeridiisana ay tahay dharbaaxo culus oo soo gaartay waaxda tacliinta ee waddanka.
Nzioka ayaa ku dhintay shil xalay ka dhacay aagga Athi River ee waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Saraakiisha booliiska ayaa xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray ka dib markii ay isku dhaceen baabuurkiisa iyo baabuur xamuul.
Nancy Macharia ayaa sheegtay in iyadoo wakiil ka ah guddiga adeegga macallimiinta ee dalka ee TSC ay tacsi u diraysa qoyska iyo saaxiibbadii Mr. Nzioka .
Waxay sheegtay inuu lahaa waxqabad wanaagsan oo dhanka tacliinta ah sidoo kalena ay ka go’anayd u adeegidda qaranka.
Madaxa fulinta ee TSC ayaa hoosta ka xarriiqday in Mr.Nzioka uu macallin ahaa laga soo billaabo 1987-dii .
Waxay intaasi ku dartay inuu si daacadnimo ay ku dheehan tahay dalka ugu adeegayay 38 sano.
Nzioka ayaa ahaa maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Donholm Primary ee ismaamulka Nairobi ka hor inta uunan geeriyoon.
Nancy Macharia ayaa laga soo xigtay inuu guddoomiye u ahaa ururka (KEPSHA) oo leh in ka badan 24,000 oo xubnood.
Sidoo kale ,waxaa qoyska , ehellada, asxaabta iyo macallimiinta dalka tacsi u diray xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Collins Oyuu.
Waxaa uu sheegay in Nzioka uu ahaa hoggaamiye leh xirfado dibloomaasiyadeed oo gacan ka gaystay in isbeddel lagu sameeyay ururka KEPSHA xilli maamulka tacliinta dalka lagu sameynayay isbeddello istaraatiiji ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Nzioka uu kala dhexdhexaadin jiray xubnaha ururka uu hoggaaminayay marka uu isfahan waa’ soo kala dhex galo.
Oyuu ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ku wanaagsanaa abaabulka howlaha ururka KEPSHA iyo wada xaajoodyada ku aaddan daryeelka macallimiinta.
Waxaa sidoo kale geerida Nzioka xaqiijiyay kana tacsiyadeeyay qasnad hayaha ururka ay ku mideysan yihiin maamuleyaasha dugsiyada hoose dhexe ee dalka ee KEPSHA Kennedy Kyeva .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa isna sheegay inuu aad uga naxay geerida Johnson Nzioka, wuxuuna ku tilmaamay macallin iyo hoggaamiye dadaal badnaa sidoo kalena lahaa aragti fog oo dhiirrigelin u ahaa hannanka tacliinta ee dalka.
Wasiirka ayaa xusay in guddoomiyaha qaran ee ururka KEPSHA ee geeriyooday Mr. Nzioka uu daneynayay xoojinta maamulka dugsiyada si loo wanaajiyo natiijooyinka tacliinta.
Wasiir Ogamba ayaa qoraal ku sheegay inuu xilligan adag macallimiinta dalka la qaybsanaya murugada