Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa gaaray caasimadda Algiers ee wadanka Algeria.
Waxaa uu halkaasi ku joogi doona booqasho rasmi ah oo saddex cisho qaadaneyso.
Wetang’ula ayaa la kulmi doono madaxweynaha golaha xeer dejinta ee dalka Algeria Ibraahim Boughali.
Waxaa ay kawada hadli doonaan hababka kor loogu qaadi karo diblomaasiyadda baarlamaanka ee labada waddan.
Afhayeenka golaha qaran xeer dejinta ee dalka Moses Wetang’ula ayaa kulamo laba geesood ah la yeelan doona madaxda wadanka Algeria qaybahooda kala duwan, isaga kala hadli doono arrimo la xiriira ganacsiga warshadaha dawooyinka, arrimaha beeraha, tamarta iyo batroolka.
Waxaa uu sidoo kale kala hadli doona ganacsiga iyo horumarinta maalgashiga, tacliinta sare iyo dhinacyada kale ee suurtagalka ah ee iskaashiga Kenya iyo Algeria.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Julius Korir iyo safiirka Kenya u fadhiya wadanka Algeria Peter Katana Angore ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ku matalaya fulinta socdaalka guddoomiyaha baarlamaanka dalka.
Arrived in Algiers, Algeria this afternoon for official visit.Delighted to have been received by the President of the National People's Assembly Parliament, H.E Ibrahim Boughali and the Kenya Ambassador to Algeria H.E Peter Katana Angore. pic.twitter.com/o9NgdIXZw7
— Rt.Hon.Moses Wetang'ula (@HonWetangula) February 19, 2023