Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee (KHRC) ayaa dalbaday in baaritaano degdeg ah lagu sameeyo geerida sarkaalkii IEBC u qaabilsanaa maareynta doorashada deegaanka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Daniel Musyoka oo dhawaan meydkiisa la helay.
Koox xoolo dhaqato ah ayaa galinkii dambe ee shalay waxay maydka Musyoka ku arkeen meel u dhow webiga Kilombero, ee magaalada Loitoktok oo ka tirsan ismaamulka Kajiado iyagoo dhacdadaasi booliska ku war geliyay.
Bayaan ay maanta soo saareen mas’uuliyiinta guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ayay waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo waaxda dacwad oogidda ku weydiisteen inay guda galaan tallaabo degdeg ah oo caddaalad loogu raadinaya qoyska Daniel Musyoka .
Bayaanka waxaa ku cad in guddigan uu ka walacsan yahay warka soo baxay ee ah in meydka Daniel Musyoka oo uu jirdil ka muuqdo laga helay Kajiado.
Roselyn Akombe oo horay uga mid ahayd saraakiisha sar sare ee guddiga IEBC ayaa ka tacsiyadeeysay geerida mas’uulkan.
Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayay Akombe ku sheegtay in Musyoka uu ahaa shaqaale daacad ah waxayna dalbatay in si degdeg ah loo baaro sababta ka dambeysay meydkiisa la helay.
Sidoo kale ururka qareennada dalka ee LSK ayaa cambaareeyay dilka Daniel Musyoka waxayna dalbadeen in taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai uu dambi baarayaasha ugu aqoonta iyo khibradda wanaagsan u xil saaro in la ogaado cidda ka takhalustay sarkaalkii IEBC.
Waxay LSK hoosta ka xarriiqday in mas’uulkan loo gaystay dil arxaan darro ah.
Waxay bogaadiyeen dhammaan howlwadeenada guddiga IEBC ee maareeyay doorashadii guud ee dalka ka dhacday 9-kii bishan Siddeedaad.
Sidoo kale LSK ayaa madaxda siyaasadeed ugu baaqday inay xaqiijiyaan inay ka go’an tahay ilaalinta nabadda.
Waxay kenyaanka ka codsadeen inay ka fogaadaan in loo adeegsado rabshad siyaasadeed oo ay xoogga saaraan faafinta farriimaha nabadda.
Musyoka ayaa la waayay 11-kii bishan xilligaasi oo uu ku sugnaa xarunta dhexe ee tirinta codadka ee dugsiga culuunta duulimaadka bariga Afrika.
Wararka ayaa tilmaamaya in saacaddu markii ay ahayd 9:45 subaxnimo ee maalinkaasi uu goobta ka baxay isagoo sheegay inuu sameynaya wicitaan khaas ah hasa ahaate wixii markaasi ka dambeeyay uunan xafiiska dib ugu soo laaban.
12-kii bishan ayuu guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Wafula Chebukati qaranka u sheegay in la waayay Daniel Musyoka xilli uu gudanayay waajibaadkiisa shaqo.