Guddiga TSC oo tababar ku saabsan CBC siinaya in ka badan 60 kun oo macallimiin ah

0
528

Waxaa uu qorshuhu yahay in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu bishan iyo midda Shanaad ee May tababar u fidiyo ugu yaraan 60,000 oo barayaal ah.
Tababarka ayaa ku saabsan manhajka waxbarashada ee CBC.
Madaxa fulinta ee TSC ,Nancy Macharia ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday bayaan ay soo saartay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in bisha koowaad ee sanadka 2023-ka nidaamkan laga dhaqangelin doono dugsiyada sare gaar ahaan fasalladda hoose.
Ms. Macharia ayaa sheegtay in macallimiinta tababarka qaadanaya ay isugu jiraan kuwa wax ka dhiga dugsiyada dowladda , dugsiyada ay dhigtaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah iyo xarumaha tacliinta ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa intaasi ku dartay in tababarka uu socon doono 25-ka bishan Afaraad ilaa 13-ka bisha Shanaad ee sanadkan.