Guddiga IEBC oo baaq ka soo saaray isdiiwaangalinta codbixiyaasha

0
147

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyiinka dalka IEBC ayaa ka codsaday Dadka Kenyaanka ah ee iska diiwaangeliyey codbixinta ka hor sanadkii 2012-kii inay mar kale isdiiwaangeliyaan si loogu daro diiwaanka nidaamka ee biometrik-ga ee hadda jira.
Guddoomiyaha IEBC Erastus Ethekon ayaa soo saaray amarkan.
War-saxaafadeed uu soo saaray, Ethekon wuxuu ku caddeeyay in Diiwaanka Biometric-ga ee Cod-bixiyeyaasha (RoV) ee hadda jira uu shaqeynayay tan iyo sanadkii 2012 markii la soo saaray Dastuurka Kenya, 2010; oo ah dhaqan-gelinta Xeerka Doorashooyinka, kaas oo soo bandhigay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha biometric-ga oo ah tallaabo muhiim ah oo dib-u-habeyn doorasho.
Guddiga ayaa xusay in ay horey u diiwaan geliyeen 344,316 codbixiyeyaal cusub afartii maalmood ee la soo dhaafay.