Garsoore Maxamed Warsame oo loo magacaabay maxkmadda sare

0
39

Guddiga Adeegga Garsoorayaasha ee dalka ayaa u magacaabay Garsoore Maxamed Warsame inuu noqdo garsooraha Maxkamadda Sare ee dalka.
Tani waxay ka dambeysay laba maalmood oo wareysiyo ah oo lala yeeshay shan musharrax oo u hanqal taagayay inay xubin ka noqdaan Maxkmadda sare ee dalka.
Guddigu wuxuu sheegay in geeddi-socodkan lagu sameeyay si waafaqsan shuruudaha dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah, waxaana hagayay mabaadi’da mudnaanta, daacadnimada iyo caddaaladda
Ka dib markii la sameeyay wadatashiyo, Guddigu wuxuu xaqiijiyay magacaabista Garsoore Warsame.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in Maxamed Warsame uu noqday musharraxa ugu wanaagsan ka dib markii la sameeyay wareysiyo tartan ah intii u dhaxaysay Talaadadii iyo Arbacada maanta ah.
Garsoore Maxamed Warsame Wuxuu beddeli doonaa Garsoore Maxamed Ibraahim, oo geeriyooday 17-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore.
Garsoore Maxamed Warsame wuxuu haystaa Shahaadada Koowaad ee Sharciga (LLB) oo uu ka qaatay Jaamacadda Nairobi iyo Shahaadada Koowaad ee Sharciga ee kuliyadda Sharciga ee Kenya.
Kahor inta aan loo magacaabin Maxkamadda Racfaanka ee Kenya sannadkii 2012, Garsoore Warsame wuxuu ka soo shaqeeyay Maxkamadda Sare ee qeybteeda Waaxda Ganacsiga iyo Waaxda Dembiyada, wuxuuna sidoo kale mas’uul ka ahaa Waaxda Dib-u-eegista Garsoorka ee Maxkamadda Sare.