Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ku baaqay in garaadka macmalka ah ee loo yaqaano Artificial Intelligence iyo siyaabaha kale ee tiknolojiyadda looga faa’iidaysto xoojinta amniga Bariga Afrika.
Mr.Gachagua ayaa dhanka kale bogaadiyay waxqabadka adeegga qaran ee sirdoonka ee (NIS).
Waxaa uu xusay in maamulka madaxweyne William Ruto uu kalsooni buuxda ku qabo shaqada ay wadanka u hayaan saraakiisha adeegga NIS.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa ballan qaaday inay taageeri doonaan adeeggan isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay sameyn doonto wax kasta oo suuragal ah si laanta NIS ay u hesho raasimaalka fududeynaya howlaheeda.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta oo uu si rasmi ah uga furay shirweynaha iskaashiga ee Mashariki Cooperation Conference.
Waxaa kulankaasi ka qayb galaya agaasimayaasha adeegyada qaran ee sirdoonka ee ugu yaraan 10 dowladood oo hoos tago Bariga Afrika.
Rigathi Gachagua ayaa halkaasi ka sheegay in adeegsiga tiknoolojiyadda ay aad muhiim ugu tahay la tacaalidda amni darrada.
Agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS , Nuurdiin Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in iskaashiyo horay looga sameeyay gudaha gobolka ay miro-dhal noqdeen sidaasi awgeedna ay qabsoomi karaan waxyaabo dheeraad ah.
Waxaa uu Nuurdiin Xaaji sheegay in ay qasab tahay in la is kaashado oo la abaabulo kheyraad loo adeegsanaya tallaabooyinka amni ee istaraatiijiga ah.
Mr. Xaaji ayaa hoosta ka xarriiqay in Bariga Afrika laga soo billaabo Jabuuti ilaa Mozambique ay ka jiraan caqabado amni oo isku mid ah oo wax laga qaban karo.
Waddamada ay mas’uuliyiintooda sirdoonka ka qayb galayaan shirka ka furmay Mombasa ayaa kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, DRC, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed, Soomaaliya ,Seychelles, Comoros, Mozambique, Eritrea iyo Malawi.