Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa balan qaaday in uu soo bandhigi doono liiska hogaamiyayaashii ka dambeeyay iska horimaadkii Isniintii ka dhacay Ang’ata Barikoi ee ismaamulka Narok.
Gachagua, ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Isniinta, ku sheegay in dilalka ka dhacay Barikoi ay sabab u tahay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha oo doonaya inay la wareegaan dhulka ay leeyihiin dadka Kenyaanka ah.
Sida laga soo xigtay Gachagua dhulkan oo dhan 6,000-acre ayaa waxaa si sax ah u leh dad Kenyaan oo haystay tobonaan sano ka hor.
Qoraalkiisa ayuu Gachagua waxaa uu ku dalbaday inuu ogaado hoggaamiyeyaasha ka dambeeya amarka toogashada ah ee ay bixiyeen saraakiisha booliiska gaarka u tababaran ee GSU-da iyo kuwa gurmadka degdega ee RDU-da
Isagoo cambaareeyey dilalkii ka dhacay Ang’ata Barikoi ayuu ku xigeenkii hore ee madaxweynaha ku baaqday in si deg deg ah loo soo qabto oo sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilalkii foosha xumaa iyo dhaawacyada loo geestay Kenyaanka.
Gachagua waxa uu xusay in uu ururinayey caddaymo iyo xog ku saabsan arrintan, isla markaana uu dhawaan magacaabi doono kuwii ka dambeeyey falkaas foosha xun.
Ugu yaraan 5 qof ayaa galabnimadii Isniinta dhintay kadib rabshado dhex maray ciidamada booliiska iyo dadka deegaanka Ang’ata Barikoi ee ismaamulka Narok.
Iska horimaadkan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dambeeyay kadib markii dadka deegaanka ay sameeyeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo u tagay inay la wareegaan dhul ku yaalla deegaankaasi.
Home Wararka Kenya Gachagua oo bayaan ku sheegay inuu magacaabi doono dadkii ka dambeeyay shaqaaqadii...