Boqolaal gaadiidley ah iyo dad rakaab ah ayaa lagu soo warramayaa inuu saaka waaga ugu baryay waddada Mombasa ka dib markii ay xalay halkaasi ku xannibmeen ciriiri badan oo jiray awgeed.
Tani ayaa timid ka dib markii ay si aad ah waddada u buux dhaafiyeen gaadiidka .
Warbixinta booliiska ayaa waxaa ku cad in isu socodkii faraha badnaa ee inta u dhaxeysa Manyani iyo Mtito Andei ee waddada isku xirta Nairobi iyo Mombasa uu yimid kadib markii uu gadoomay gaari xamuul ah oo waddada xiray.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab fadhiya hareeraha waddooyinka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ah laga soo bilaabo 1-dii habeenimo ee xalay iyaga oo uga digay dadka kale ee isticmaala waddadaasi inay ka fogaadaan halkaasi.
Waxay sheegeen in ciriirga waddada uu jiray in ka badan 10 saacadood uuna saameeyay dhowr kiilo mitir oo gaaraya ismamaullada Makueni iyo Taita Taveta.
Booliska ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu xallinaya xaaladda.