Faransiiska oo shaaciyay tallaabooyin lagula tacaalaya dibadbaxyada beeralayda

0
216

Dowladda Faransiiska ayaa shaacisay tallaabooyin cusub oo la doonayo in lagula tacaalo dibadbaxyada beeralayda wadankaasi.
Beeralayda ayaa muddo dhigayay mudaaharaadyo ay uga soo horjeedaan in aan la siin lacago ku filan, xeerarka ganacsi ee Midowga Yurub iyo in badeecooyinka laga keeno dibadda wadankaasi oo ay ku tilmaameen kuwo raqiis ah aan si cadaalad ah loogu tartamin.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Faransiiska ,Gabriel Attal ayaa sheegay in xukuumadiisa ay dhaqangelinaysa siyaabo lagu xakameynaya badeecooyinka dibadda laga soo dejiyo si loo xaqiijiyo tartan cadaalad ah .