Wakiilka haweenka ee laga soo doorto Nairobi Esther Passaris ayaa ugu baaqday madaxweyne Samia Suluxu in ay cadaaladda u fasho mid ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda bini’aadamka Boniface Mwangi iyo qareenka dhalasha ahaan ka soo jeedo Uganda Agather Atuhaire, kuwaas oo la sheegay in jirdil loo geystay intii ay ku xirnaayeen Tanzania.
Passaris oo bayaan soo saaray maanta oo Talaado ah ayaa waxaa ay ugu baaqday hoggaamiyaha Tanzania inay tallaabo ka qaado saraakiisha ku lugta leh jirdilka lagula kacay labada dhibane.
Mwangi iyo Atuhaire ayaa lagu xiray magaalada Dar es Salaam 20-kii bishii May 2025-ka xilli ay ka qeyb galayeen dhageysi maxkamadeed oo ka dhan ah hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania Tundu Lissu, kaasoo wajahaya eedeymo khiyaano qaran ah.
Passaris ayaa cambaareysay jirdilka iyo tacaddiyada la sheegay in loo geystay Boniface iyo Agather intii ay ku xirnaayeen Tanzania, waxaa ayna ku boorisay Madaxweyne Suluxu inay xaqiijiso jirdilka iyo bahdilaadda noocaas ah inaan dib loo soo celin.