Wakiillada ugu sarreeya ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u qaabilsan wada-xaajoodyada ayaa Moscow kula kulmaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
Muuqaallo uu Kremlin-ku soo bandhigay ayaa muujinayay Steve Witkoff iyo Jared Kushner oo uu Putin soo dhaweeyay. Putin ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta aysan sahlanayn, isagoo intaas ku daray in Ruushku uu sharxi doono sida uu xaaladda u arko.
Witkoff ayaa Putin uga mahadceliyay inuu ku heshiiyay Ukraine in muddo saddex maalmood ah la joojiyo weerarrada lagu qaado caasimadaha labada dal. Axadda maanta ah ayay ergadu u safri doonaan Kyiv si ay halkaas uga sii wadaan wada-xaajoodyada.
Jimcihii, Trump ayaa sheegay in Witkoff iyo Kushner ay wataan soo jeedin lagu soo afjarayo dagaalka. Ilaa hadda, dadaalladii Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku doonayeen inay dhexdhexaadiyaan heshiis nabadeed ayaa fashilmay.
Wadahadalladii Sabtida ka dhacay Kremlin-ka, Putin ayaa sidoo kale sheegay in “si kasta oo ay wax u dhacaan, xiriirrada noocan ah ay mar walba faa’iido leeyihiin”. Waxa uu sidoo kale Trump uga mahadceliyay dadaalladiisa nabadeed.
Wadahadallada ka socda xarunta rasmiga ah ee Putin ee bartamaha caasimadda Ruushka ayaa ah kuwo albaabadu u xiran yihiin.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa horraantii Sabtida sheegay inuu la hadlay ergada Mareykanka, kuwaas oo uu sheegay inay maanta durba bilaabeen inay la shaqeeyaan dhinaca Ruushka.
Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Madaxweyne Vladimir Putin uu amray in weerarrada lagu qaado Kyiv la hakiyo muddo saddex maalmood ah, taas oo ku beegan booqashada ergada Mareykanka.




