Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya (EACC) ayaa caddeeyay inuusan lahayn awood dastuuri ah oo uu musharraxiinta uga hor istaagi karo inay doorashooyinka ka qaybgalaan, isaga oo sheegay in masuuliyadda go’aaminta cidda u qalanta tartanka doorashada ay leedahay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (IEBC).
Madaxa fulinta EACC, Abdi A. Mohamud, ayaa sheegay in doorka guddigiisu yahay baaritaanka hufnaanta, anshaxa iyo ku habboonaanta dadka doonaya xilalka doorashada, kadibna uu talooyin iyo warbixinno u gudbiyo IEBC.
Waxa uu xusay in IEBC ay tahay hay’adda dastuuriga ah ee awoodda u leh diiwaangelinta musharraxiinta iyo go’aaminta inay buuxiyeen shuruudaha looga baahan yahay ka qaybgalka doorashada.
Mohamud ayaa arrintan ka hadlay intii uu socday kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo loogu talagalay saxafiyiinta, kaas oo looga hadlayay hufnaanta hoggaanka iyo doorashooyinka.
Waxa uu sheegay in EACC ay marar badan la kulantay dhaleeceyn uga timid shacabka, kuwaas oo filayay in guddigu si toos ah u mamnuuci karo siyaasiyiinta lagu helo inaysan buuxin shuruudaha anshaxa iyo hufnaanta.
Waxa uu sheegay in faham-darradaasi ay qayb ahaan ka dhalatay doorka EACC ee xaqiijinta xogta iyo taariikhda dadka doonaya xilalka dowladda.
Madaxa fulinta ayaa shaaciyay in sannadaha doorashooyinka guddigu helo in ka badan 20,000 oo foomam is-sheegis ah oo ay soo gudbiyaan dadka doonaya inay musharraxiin noqdaan.
Waxa uu intaas ku daray in EACC ay IEBC kala shaqeyso dejinta habraacyada lagu qiimeeyo hufnaanta iyo anshaxa musharraxiinta.
Mohamud ayaa sheegay in guddigu warbixinno iyo talooyin ku saabsan musharraxiin uu u arkay inaysan ku habboonayn xilalka ay u gudbiyay IEBC intii lagu jiray doorashooyinkii guud ee 2017 iyo 2022.
Dhanka kale, EACC ayaa sheegtay inay baaritaan ku samaysay 228 kiis oo la xiriira eedeymo ku saabsan shahaadooyin waxbarasho iyo kuwo xirfadeed oo been abuur ah.
Mohamud ayaa sheegay in 134 ka mid ah kiisaskaas loo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (DPP), si tallaabo sharci ah looga qaado dadka lagu tuhunsan yahay inay adeegsadeen shahaadooyin been abuur ah.
Waxa uu sheegay in 60 kiis ay weli ka socdaan maxkamadaha, halka 50 kiis oo la soo gabagabeeyay ay ku dhammaadeen 45 xukun oo dambi lagu helay iyo shan qof oo dembiga lagu waayay.




