Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen weerar argagax leh oo Axaddii fiidkii ka dhacay tuulada Elsa Ntirim, deegaanka Burat ee gobolka Isiolo.
Weerarkan ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin sababta ka dambeysay weerarka iyo cidda geysatay.
Dhankooda Madaxda Isiolo ayaa xiisadaha iyo colaadaha u dhexeeya laba bulsho oo deegaankaasi ku nool ku xiriiriyay muran muddo dheer soo jiitamayay oo la xiriira xuduudda maamul ee gobollada Isiolo iyo Garissa.
Madaxdu waxay sheegeen in khilaafka labada bulsho uu sii hurinayo amni darrada ka jirta deegaanka, taasoo walaac ku abuurtay shacabka iyo maamulka gobolka.




