Iyadoo Israa’iil ay Qaza duqeymo militari ka wado laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayaa waxaa suuragal ah in duullaanka uu sii socdo 7 bilood oo kale.
Waxaa sidatan sheegay la-taliyaha dhanka amniga ee Israa’iil ,Tzachi Hanegbi .
Waxaa uu xusay in ujeedkooda uu yahay in la wiiqo awoodda ururka Xamaas ee Falastiin.
Intii uu duullaanka socday , waxaa Qaza lagu dilay ugu yaraan 36,171 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 81,420 kale.