Duqeymo Israa’iil ay ka geysatay Lubnaan oo lagu dilay 165 carruur ah iyo 85 shaqaale caafimaad

0
94

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 2,020 qof lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka geysatay dalkaas tan iyo 2-dii bishii Maarso, halka 6,436 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira 165 carruur ah, 248 haween ah iyo 85 shaqaale caafimaad, sida ay wasaaradda sheegtay. Tani ayaa muujinaysaa saameynta sii kordheysa ee duqeymaha ka socota gudaha Lubnaan.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Sabtidii shalay ay Israa’iil dishay 97 qof, halka 133 kalena ay dhaawacmeen, taasoo sii kordhisay khasaaraha guud ee dagaalka.