Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa sheegtay in ay jiraan fursado shaqo oo gaaraya 254,312 kuwaaso oo ay kenyaanka ka faa’iidaysan karaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in fursadahan ay ka bannaan yihiin dalka dibadiisa.
Bore ayaa carrabka ku adkeysay in shaqooyinka kenyaanka looga raadinaya qurbaha ay ka mid tahay waxyaabaha mudnaanta la siinaya si loo yareeyo heerka shaqo la’aanta ee ka jirta wadanka.
Wasiiradda ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda Kenya ay afar dowladood la saxiixatay heshiisyo kenyaanka looga howlgelinaya dalalkaasi.
Waxay intaasi ku dartay in hadda ay heer sare marayaan wada hadallada Kenya kala dhexeeya 7 dowladood oo kale iyadoo 14 dheeraad ahna qoraal ahaan loo dejiyay.
Florence Bore ayaa dadweynaha ku boorrisay in ay codsadaan fursadaha shaqo ee ah 254,312 kuwaaso oo wakaalladaha gaarka ah ee shaqaaleysiinta ay ku soo xayeysiiyeen shabakadda rasmiga ee maamulka qaran ee shaqaaleysiinta ee www.neaims.go.ke.