DHEGEYSO:Dhisme ka kooban 10 dabaq oo maanta lagu burburin doona Magaalada Mombasa

0
248

Dhisme ka kooban 10 dabaq oo aan ammaan ahayn ayaa maanta la qorsheeyay in la dumiyo.
Dabaqan ayaa ku yaala magaalada Mombasa.
Baarsaabka Mombasa Sharif Abdulnasir ayaa ka warbixinayaa nidaamka lagu burburinayo dhismahaas isagoona baaq u diray bulshada ka agdhaw goobtaas.
Wuxuu sheegay baarsaabka in 17 ambalaas ay heegan ku jiraan haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.
Waxaa uu intaa ku darey in baabuurta dab-damiska ay sido kale goobta heegan ku yihiin.
Ciidamada difaaca ee dalka ayaa la filaya abaare 2 duhurnimo in ay qarxiyaan dhismahaas.