DHEGEYSO:Warbaahinta Standard Group oo Cambaareeyay Weerar Lagu Qaaday Xafiisyadeeda

0
74

Shirkadda warbaahineed ee Standard Group ayaa cambaareysay weerar lagu qaaday xafiisyadeeda ku yaalla waddada isku xirta Nairobi–Mombasa, halkaas oo ay gudaha u galeen koox mudaaharaadayaal ah oo sheegay inay yihiin taageerayaasha iyo difaacayaasha Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Shirkaddu waxay sheegtay in dhacdadaasi ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda, isla markaana ay tahay faragelin lagu hayo ganacsiga sharciga ah.
Kooxda mudaaharaadayaasha ah ayaa gudaha u gashay xafiisyada Standard Group, waxaana la sheegay inay aflagaaddeeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha.
Mudaaharaadayaashu waxay sheegeen inay doonayeen inay shirkadda u gudbiyaan qoraal digniin ah, kaas oo ay uga digayaan inay baahiso warar ay ku tilmaameen kuwo lagu weerarayo Madaxweyne Ruto.