DHEGEYSO:Ku-xigeenka Madaxweynaha dalka oo digniin adag u diray ganacsatada khamriga halista ah

0
66

Ku-xigeenka Madaxweynaha dalkani Kenya, Kithure Kindiki, ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada cabitaannada khamriga ah ee waxyeellada leh, isagoo sheegay in la xiri doono lana marsiin doono sharciga cid kasta oo khatar gelisa nolosha shacabka Kenya.
Prof. Kindiki ayaa sheegay in dowladda ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah cabitaannada sunta ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan cidna loo saamixi doonin in ay dadka kuaiibiso sun iyadoo loogu magacdarayo khamri.
Ku-xigeenka Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay Jimciha maanta ah xili uu ku sugnaa deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu, halkaas oo uu ka daahfuray sagaal qalab oo qaboojiya ah oo loogu talagalay ganacsatada caanaha.