DHEGEYSO:Murkomen oo digniin u diray saraakiisha qaybta ka ah xatooyada dhulalka

0
605

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa digniin u diray saraakiisha dowladda ee fududeeya dhaca dhulalka.
Waxaa uu dowlad deegaanka Kilifi ee gobolka Xeebta ka sheegay in mas’uuliyiintan iyo shakhsiyaadka falalkan ku lugta leh laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciyeed.

Wasiir Murkomen ayaa xusay in ay kaashan doonaan waaxda garsoorka iyo guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee NLC si loo dardargeliyo in sabar-loogooyinka dhulalka la siiyo dadka u baahan dokumeentiyadan ee ku nool Xeebta.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu mudnaan siin doono wanaajinta daryeelka saraakiisha ammaanka si loogu fududeeyo gudashada waajibaadkooda shaqo.
Wasiirka waxaa uu xusay in sidoo kale lagu howlan yahay geeddisocod ay shacabka si casri ah ku gudbin karaan warbixinnada ku saabsan falal dambiyeedyada.