Waxaa maalmahan dambe la hadal hayay arrin cusub oo qaybaha kala duwan ee dalka laga soo sheegay.
Arrintan ayaa la xiriirtaa in qofka lambar cusub laga soo waco ka dibna uu xubnihiisa qaasatan xubinka taranka uu saas ku waayo.
Deegaanka Township ee magaalada Wajeer ayaa kiis ka mid ah kiisaskan laga diiwaan geliyay sida uu warbaahinta u fahfaahiyay guddoomiye xaafadeedka Township Haashim Shire.
Sidoo kale waxaa warbaahinta u waramay mid ka mid ah dadkii ay qabsatay arrintan oo lagu magacaabo Xuseen oo ka mid ah dhallinyaradda tagaasida uga dhex shaqaysta magaalada Wajeer iyo Xasan Noor oo marqaati ka ahaa markii ay arrintan qabsanaysay Xuseen.




