Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa ugu dambeyn fashil ku soo dhammaaday, kadib buuq iyo khalalaase ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal lala galo xildhibaanada diidan ajandaha fadhiga.
Kulanka ayaa dib loo dhigay kadib markii xildhibaanada qaar ay ka codsadeen guddoonka in arrimaha iyo buuqa ka taagan Golaha lagu xaliyo banaanka xarunta si nabad ah.
Fadhigii maanta lama soo saarin wax go’aan ah oo ku saabsan ajandaha dastuurka, waxaana la hakiyay doodihii ku saabsanaa wax ka beddelka qodobo ka mid ah Dastuurka Qabyo-qoraalka ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdan taagan loo saaray guddi iskujir ah oo qiimeynaya fadhiga iyo buuqa ka dhashay, isagoo fasaxay Golaha kadib xiisaddii maalmaha soo socotay.
Qaar ka mid ah xildhibaanada laga ganaaxay Baarlamaanka oo saakana tagay aqalka mudanayaasha ayaa ka hadlay xaaladda sida ay tahay.




