Gaadiidka dadweynaha ayaa hakad ku yimid qaybo badan oo ka mid ah Nairobi ka dib markii hawl wadeennada mataatuda ay xireen qaybo ka mid ah wadooyiinka Outer Ring Road iyo Waiyaki Way.
Shirkadaha baabuurta dadweynaha ayaa soo saaray ogeysiis toddobaadkii hore, iyagoo ku dhawaaqay qorshayaal ay ku diidan yihiin waxa ay ku tilmaameen ciqaab la’aan ka dhan ah darawallada mootooyiinka kuwaas oo guba baabuurta marka uu shil dhaco.
Gawaarida dadweynaha iyo waaxda Boda Bodaada ayaa loogu baaqay in ay xalliyaan khilaafaadkooda.
Dhinaca kale hawlwadeennada baabuurta Garissa iyo Madogo ayaa sheegay in ay iyagana ku soo biiri doonaan shaqo joojinta gawaarida ay ka bilaabeen caasimadda dalka ee Nairobi maadaama ay sheegeen in ay culeyso darreemayaan.




