Dowladda ayaa bilowday olole ballaaran oo lagu diiwaangelinayo dadka aqoonsiga qaran, iyadoo laga bilaabay bulshooyinka xoolo dhaqatada, si loo joojiyo takoorka loona dhiirrigeliyo sinaanta adeegyada bulshada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaranka, Kipchumba Murkomen, oo ololahaan ka furay ismaamulka West Pokot, ayaa sheegay in aqoonsiyada la diyaarin doono muddo saddex maalmood gudahood ah, maadaama habraacyo dheer oo baaritaan ah la joojiyey si loo dedejiyo diiwaangelinta.
Qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galay daah furka olalahan ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Dowladda oo bilowday olole lagu diiwaangelinayo dadweynaha ee aqoonsiyada deegaanada xoolo dhaqatada




