DHEGEYSO:Hoggaamiyeyaasha Kenya Kwanza oo dhaleceeyn u jeediyay madaxweyne Uhuru

0
121

Hoggaamiyayaal ka tirsan isbahaysiga talada haya ee Kenya Kwanza ayaa olole ka dhan ah hadalladii madaxweynihii hore ka bilaabay ismaamulka Narok, maalmo ka dib markii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu ku boorriyey shacabka gobolka Bartamaha dalka in ay diidaan dib u doorashada madaxweynaha xilka haya, isla markaana uga digay in lagu marin habaabiyo hadallo siyaasadeed.
Ololahan ayaa ka dhacay barnaamij lagu xoojinayey dhallinyarada oo lagu qabtay deegaan doorashada Koonfurta Narok, halkaas oo hoggaamiyayaasha ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda midnimada iyo ixtiraamka isbeddellada hoggaanka. Waxaa ay sidoo kale madaxweynihii hore ugu baaqeen inuu ka fariisto siyaasadda firfircoon, isagoo sii wada talo bixinta doorkiisa hore ee qaran.
Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyeen hoggaamiyihii hore ee qaranka inuu hurinayo qabyaalad, iyagoo sheegay in hadalladiisa ay kala qaybinayaan bulshada, islamarkaana aanay habboonayn in uu ku hadlo si qabiil ku saleysan. Waxaa ay xuseen in xilligii uu xilka hayey aanay jirin madax hore oo si cad uga hor yimid hoggaankiisa, sidaas darteedna uu isna u baahan yahay inuu fursad siiyo hoggaanka hadda jira.
Dhanka kale, hoggaamiyeyaal kale oo ka hadlay dowlad deegaannada Kakameega iyo Kericho ayaa ammaanay hoggaanka madaxweyne William Ruto iyo mashaariicda horumarineed ee socda, iyagoo ugu baaqay shacabka inay taageeraan. Waxaa ay sidoo kale dhaliileen mucaaradka, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan lahayn aragti cad isla markaana ku tiirsan siyaasad ku dhisan qabyaalad.