Madaxa xisbiga Democratic Action Party of Kenya (DAP-Kenya) Eugene Wamalwa ayaa dalbaday in la baajiyo qandaraaska hadal haynta abuuray ee dareeska cusub loogu sameynaya ciidamada booliiska ee dalka.
Waxaa uu ismaamulka Kwale ka sheegay in qandaraaskan ay ka faa’iidayaan shakhsiyaad ka tirsan dowladda in kastoo uunan caddeyn soo bandhigin.
Waxaa uu dowladda kula taliyey in ay mudnaanta siiso in mushaaraadka loo kordhiyo saraakiisha booliiska.
Sidoo kale , Wamalwa ayaa dowladda ku dhaliilay hannaanka canshuurta iyo in Jimcihii ganacsato dibadbaxayey lagu kala eryey sunta dadka ka ilmeysiisa.
Madaxa xisbiga DAP-Kenya ayaa dhanka kale dhaliilay weerar shalay lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaasha garabka siyaasadeed ee Linda Mwananchi sida barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo iyo Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Babu Owino oo xilligaasi ku sugnaa dowlad deegaanka Migori.
Waxaa uu ku baaqay in xisbiyada iyo isbeheysiyada siyaasadeed loo oggolaado in ay si xor oo nabad ah ololahooda u sameeyaan guud ahaan waddanka ka hor doorashada guud ee sanadka 2027–da.
Madaxa xisbiga Wiper Patriotic Front Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin in looga run sheego qandaraaska ku saabsan dareeska cusub ee booliiska.
Afhayeenka adeegga qaran ee booliiska ee NPS Muchiri Nyaga, ayaa sheegay in dharka cusub ay samaynayso shirkadda Bedi Investments Limited, taas oo si sharci ah lagu siiyey qandaraaska.
Wuxuu beeniyey warar ay warbaahintu tebisay sidoo kalena lagu faafiyey baraha bulshada oo qandaraaskan lagula xiriiriyey shirkadda Nalitex Limited.




