DHEGEYSO:Bungoma iyo Wajeer oo ka mid ah ismaamullada ay ku badan tahay xatooyada SHA

0
143

Wasiirka Caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa shaaciyey shan dowlad deegaan oo caan ku ah musuqmaasuqa ku saabsan Maamulka Caymiska Caafimaadka Bulshada ee (SHA), iyadoo dowladda ay xoojineyso olole qaran oo lagula dagaallamayo sheegashooyinka caafimaad ee been abuurka ah.
Ducaale, oo Sabtidii ka hadlay ismaamulka Gaarisa ayaa tilmaamay dowlad deegaannada Homa Bay, Bungoma, Mandheera, Wajeer iyo Kisii inay yihiin kuwa ugu sareeya ee leh sheegashooyin shaki leh, badankoodna ka yimid xaruumo caafimaad oo gaar loo leeyahay.
Tan iyo 30-kii bishii hore ee March, ugu yaraan 12 xaruumood ayaa la xiray, halka 24 kale lagu sameynayo kormeer farsamo, 250-na ay baaritaan ku jiraan oo ay wadaan Waaxda Baarista Dambiyada ee DCI-da. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ilaa 30 kiisas loo gudbiyey Xafiiska Agaasimaha Dacwad oogista Guud, 18 xaruumoodna maxkamadda la geynayo, guud ahaan in ka badan 1,000 xaruumoodna la xiray.