DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in la xaqiijin doono amniga dugsiyada

0
263

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si buuxda u sugi doonto amniga xarumaha waxbarashada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tacliinta ay ka mid tahay waxyaabaha ka qayb qaato horumarka wadanka sidaasi awgeedna aan marnaba la oggolaan doonin in falal dambiyeedyada , burcadnimada iyo argagixisada ay carqaladeeyaan geeddisocodka waxbarasho.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in sanadka cusub dib loo furi doono dugsiyo ku yaalla gobolka Rift Valley oo ku burburay weerarrada kooxaha burcadda ah.

Wasiirka ayaa waalidiinta ismaamullada Waqooyiga gobolka Rift Valley ku boorriyay in carruurta ay dugsiyada dib ugu celiyaan marka la furo xarumaha waxbarashada oo aynan ka walwalin badqabkooda.

Wasiirka oo dhanka kale digniin adag u diray kooxaha burcadda ee weerarrada gaysta ayaa sheegay in carruurta dhigta dugsiyada Rift Valley ay ka faa’iidaysan doonaan barnaamijka cunnada ee loogu tala galay ardayda.