Ugu yaraan 6 qof oo saddex ka mid ah ay soomaali yihiin ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen shil maanta ka dhacay waddada 12-aad gaar ahaan agagaarka maqaaxida Kilimanjaro ee xaafadda Islii.
Warbaahinta Star oo booqatay isbitaalka la geeyay dhaawaca ayaa xaqiijisay geerida hal qof oo kale .
Shilka ayaa yimid ka dib markii baabuur nooca mataatuuda ee qaada 14 qof uu si xowli ah ku jiiray dadkan oo marayay waddada agteeda.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadan ayaa u warramay Maxamad Axmad Khaliif.
Sidoo kale waxaan wareysanay mid ka mid ah ehellada hooyo ku geeriyootay shilka maanta ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji, magaalada Nairobi.




