Dadweynaha degmada Oldonyo Sabuk ee ismaamulka Machakos ayaa cabasho ka muujinaya in aan weli dib loo dhisin buunddada webiga Athi oo ku burburtay daadadkii ka dhashay roobabkii xoogganaa ee da’ay.
Waxay sheegayaan in ay dantu ku qasabtay in ilaa labo bilood ay doomo adeegsadaan si ay webiga uga gudbaan.
Shacabka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ku adkaatay in dalagyada uga soo go’o beeraha ay u iibgeeyaan ismaamulka dariska la ah ee Kiambu.